Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Warfaa oo xafiiskiisa ku soo dhoweeyey Wafdi ka socday Dawladda Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Danjire Warfaa oo xafiiskiisa ku soo dhoweeyey Wafdi ka socday Dawladda Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa kusoo dhoweeyey wafdi ballaaran oo ka socday Wasaaradaha kala duwan ee Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada dalka, kuwaas oo shaqo Qaran u jooga dalkan Ethiopia.

Wafdigan oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Caydaruus Macalin Xasan ayaa Safiirku waxa uu warbixin kooban kasiiyay hawlaha diblomaasiyadeed iyo kuwo bulsho ee ay safaaraddu u hayso oo wakillka uga tahay Dawladda Soomaaliya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan Ethiopia, wuxuuna sheegay inay horumaro badan ka gaareen arrimahaas iyo adeeg-yada ay siiso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Caydaruus Macalin ayaa Safiir Warfaa uga xog waramay safarka ay wafdiga uu hogaaminayo kusoo gaareen dalka Ethiopia, isagoo tilmaamay inay Addis Ababa u joogaan arrimo shaqo oo la xiriira masuuliyadaha ay u hayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa ka warbixiyay hawlo muhiimad weyn u leh Qaranka Soomaaliyeed oo doonayaan inay khibradooda la wadaagaan Diblomaasiyiinta Safaaradaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu horeeyaan arrimaha dad dhigista *Civil registration* iyo bixinta aqoonsiga dadweynaha *National ID*, Hawlaha dad dhigista ayuu sheegay inay ka mid tahay bixinta shahaadooyinka dhalashada, dhimashada, guurka ilma korsashada iyo furiinka oo meel fiican u mareysa Wasaaradda iyo sidii loo heli lahaa diiwaangalin casri ah oo mideysan, taasoo ka dhaqangasha dhamaan dagmooyinka dalka iyo safaaradaha dalalka ay Soomaalidu ku noolyihiin.

Wafdigan oo uu kamid yahay maareeyaha Hay’adda aqoonsiga iyo diiwangalinta Qaranka NIRA (National Identification and Registration Authority) Cabdiweli Cali Timacadde ayaa safiirka uga warbixiyay halka ay marayan dedaalada dhismaha Hay’adda isagoo sheegay in dhawaan si rasmi ah loo bilaabi doono bixinta aqoonsiga dadweynaha.

Wafdigan ayaa joogi doona Ethiopia maalmo kooban, waxayna dib ugu laaban doonaan Caasimadda dalka ee Muqdisho kadib marka ay u dhamaadaan hawlaha Qaran ee ay u joogaan Addis Ababa.

Previous Post

Duqa Degmada Gaalkacyo oo guddoomiyay shir looga hadlayay xoojinta Amniga “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha qeybta 43aad ee Xoogga oo kormeeray fariisimaha ciidanka ee  Baar-sanguuni

Next Post
Taliyaha qeybta 43aad ee Xoogga oo kormeeray fariisimaha ciidanka ee  Baar-sanguuni

Taliyaha qeybta 43aad ee Xoogga oo kormeeray fariisimaha ciidanka ee  Baar-sanguuni

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In