Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka KGS oo Ansixiyey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 23 Maarso 2023 ee lagu gaaray Muqdisho

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka KGS oo Ansixiyey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 23 Maarso 2023 ee lagu gaaray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane, Maxamed Nuur Maxamed Macalin oo ay wehliso Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Marwo, Shamso Maxamed Yaroow, ayaa maanta Shir guddoomiyay Kalfadhiga 6-aad Kulankiisa 1-aad oo Ajendahiisu ahaa:

1. Aqrinta 1aad Hindise-sharciyeedka Ciidanka Booliska KGS
2. Kalsooni siinta Hanti Dhowraha Guud ee DKGS
3. Ansixinta Hashiiskii Golaha Wadatashiga Qaran(GWQ)

Related posts

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025

Kulanka Baaralamanka Maanta Waxaa soo xaadirey 48 -Mudane.

Ugu horrayn Hanti Dhowraha cusub Mudane, Maxamed Cumar Axmed oo dhawaan magacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa hor-yimid Golaha, isagoo faahfaahiyay Qorshaha Howleedka Xafiiska Hanti Dhowrka horyaala, intaas kadibna Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa cod aqlabiyad leh kalsoonida ku siiyay Hanti-dhowraha si uu shaqadiisa u guto.

Waxaana Oggolaatay mudane 48,mana jirin cid ka aamustay cid aan u codeynba.

Intaas kadib, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha Dowlad Gobaleedyada koonfur Galbeed howlgalka Abdullahi Mohamed Adan (Farey) ayaa Golaha ka hor Aqriyay Hashiiska Golaha Wadatashiga Qaran(GWQ) ay ku gaareen magaadada Muqdisho 27-Maarso 2023 oo sheegaya Hannanka Doorashooyinka Dalka iyo Midaynta Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada, isagoo Xildhibaanada ka codsaday in ay Ansixiyaan oo ay ku raacaan Golaha Wadatashiga Qaran Hashiiska ay ku gaareen Magaalada Muqdisho Maadaama Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed ay soo ansixiyeen 8-da June 2023.

Kadib Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha ayaa Cod geliyay Hashiiska, iyadoo xildhibaanada Golaha Wakiilada cod aqlabiyad ku ansixiyay kuna raacay Golaha Wadatashiga Qaran Hashiiska ay gaareen.Waxaana Oggolaatay 48 mudane.

Dhanka kale, Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Amniga DKGS Mudane, Colaad Maxamed Cali, ayaa Golaha ka hor Aqriyay Hindise-sharciyeedka Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya,isagoo aad u faahfaahiyay muhiimada uu sharcigaan u leeyahay Booliska KGS isagoo sheegay in sharcigaan uu sahlayo hagidda, Nidaaminta iyo qaab-dhismeedka Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada ayaa shirka soo xiray, isagoo sheegay in Guddiga Amniga ee Golaha iyo guud ahaan Xildhibaanada ay waajibkooda ka gutaan Hindise-sharciyeedkan hor yaala.






Previous Post

Aqalka Sare oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS

Next Post

Upper House of Somalia passes first reading of Auditor General’s bill

Next Post
Upper House of Somalia passes first reading of Auditor General’s bill

Upper House of Somalia passes first reading of Auditor General’s bill

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In