Thursday, June 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’isul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wasiirada Warfaafinta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’isul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wasiirada Warfaafinta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiirka Warfaafinta XFS, Wasiirada Warfaafinta dowladaha xubnaha ah dowladda Federaalka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafinta gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha mudane Xersi Gaani iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Related posts

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra’isul Wasaaraha warbixin ka siiyay hawlaha ay ka wadashaqeynayaan hay’adaha Warfaafinta heer Qaran iyo dowlad goboleed oo ay ugu dambeysay Istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta oo dhowaan mas’uuliyiinta ku saxiixeen magaalada Muqdisho iyo muhiimadda ay u leedahay mideynta Farriimaha dowladda.

Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada iyo agaasimaha guud ee warfaafinta maamulka gobolka Banaadir ayaa Ra’isul Wasaaraha ugu mahad celiyay kulankan  iyaga oo u sheegay in wadashaqeyn wanaagsan iyo aragti mid ah ay maanta leeyihiin hay’adaha Warfaafinta heer Qaran ilaa heer gobol si kor loogu qaado farriimaha wacyigalinta, horumarka Warbaahinta iyo iska kaashiga dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay Wasiirrada Warfaafinta dhameystirka Istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta taas oo kor u qaadaysa mideynta farriimaha dowladda,  Wacyigalinta iyo gaarsiinta bulshada farriimaha saxda ah.

Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay xoogga saaraan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, kor u qaadista wacyigalinta  bulshada iyo horumarinta Warbaahinta dalka haddii ay ahaan lahayd Warbaahinta dowliga ah iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Previous Post

Xarunta howlgelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Next Post

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle iyo Wafdi  hogaaminayo oo loogu soo dhoweeyay degaanka Nuur-dugle

Next Post
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle iyo Wafdi  hogaaminayo oo loogu soo dhoweeyay degaanka Nuur-dugle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle iyo Wafdi  hogaaminayo oo loogu soo dhoweeyay degaanka Nuur-dugle

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid...

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In