Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo wafdi ka socotay Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo kulamo farsamo kulahaa Kenya ayaa ka qeybgalay kulan casho sharaf ah oo loogu sameeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabiyeen ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa waxaa ka qeybgalay mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika , Mudane Xamsa Aadan Xaadow Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada mudane Bashiir Macalin Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Guuleed Cabdijaliil, Wakiilo ka socday Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, diblomaasiyiin, ganacsato iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay ayaa xalay lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo lagu soo bandhigay suugaan ka hadlaysa midnimada Afrika.
Xaaji Dool Maxamed Yuusuf Wakiilka Hala Airline oo ku hadlayay magaca ganacsatada Soomaaliyeed ee xafladda qaban qaabisay ayaa tilmaamay inay soo dhaweynayaan dadaallada socda.
Tiri Marie Rose oo ah madaxa wafdiga Afrikada Bari ee wadahadalka kula jira wafdiga Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay inay taageerto Aragtida Madaxweyne Xassan Sheekh ee ah in Soomaaliya ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika.
Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Caafimaadka ka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Macalin Cali iyo Dr Guuleed Cabdijaliil ayaa si wada jir ah uga hadlay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay ku biirista Bulshada Bariga Afrika.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Aadan Xaadow ayaa u mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee sida diiran u soo dhaweysay wafuudda kala duwan.
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Ururka Bulshada Bariga Africa (EAC), sidoo kalana hogaaminayay Wafdiga wadaxaajoodka ee ka socday Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Hadliye Omer oo ka hadlay Xafladda ayaa sheegay in ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC- da ay ka dhigantahay guul weyn, taasina ay suurta gelin doonto in Ganacsiga Soomaaliya uu ku baaho Bariga Afrika, Dhaqaalaha dalkana uu meel wanaagsan gaaro.
Oggolaanshaha Soomaaliya ee ku biirista Urur Gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika ayaa waxa uu ballaarin doonaa baaxadda suuqa ee hadda jira, daboolidda juqraafi ahaan, kala duwanaanshiyaha iyo kobaca loo dhan yahay dhammaan dawladaha xubnaha ka ah, iyada oo Soomaaliya ay rajeyneyso in ay gaari doonto guulo aan la qiyaasi karin marka ay ku biirto suuqaan.