Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo qaabilay Madax ka socotay Qaramada Midoobay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo qaabilay Madax ka socotay Qaramada Midoobay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa Addis Ababa kula shiray kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay H.E Atul Khare iyo madaxa qaybta taageerada ee UNSOS H.E. Amb Aisa Kacyira.

Ugu horrayn danjire Warfaa ayaa masuuliyiintan warbixin guud kasiiyay xaaladda Soomaaliya isagoo u caddeeyey in madaxda iyo bulshada Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka ay dedaal ugu jiraan xasilinta dalka iyo xaalufinta khawaarijta, isla markaana laga gaaray guulo waaweyn.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Kulankan ayaa sidoo kale lagu falan-qeeyey dhowr arrimood oo muhiim u ah horumarka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin xasiloonida, nabad-gelyada gobolka geeska africa iyo xoojinta taageerada joogtada ah ee aan gaabiska lahayn oo ay UNSOS la garab taagan tahay Soomaaliya.

Safiir Warfaa iyo xoghaye Atul ayaa si guud la isula qaatay in la dar-dar geliyo taageerada ay hay’adaha Qaramada midoobay gaar ahaan UNSOS siiyaan Soomaaliya.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Next Post

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo shirka Cimilada uga qeybgalay Kenya

Next Post
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo shirka Cimilada uga qeybgalay Kenya

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo shirka Cimilada uga qeybgalay Kenya

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In