Safiirka Sacuudi Carabiya ee Iiraan ayaa Talaadadii shalay gaaray magaalada Dehraan ee Caasimadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, halka dhiggiisana uu ka degay magaalada Riyaad, talaabadaasi oo adkeysa dib usoo celinta xiriirkii rasmiga ah ee diblomaasi labada dal, taasi oo toddoba sano meesha ka maqneed.
Madaxda Iiraan iyo Sacuudi Carabiya ayaa isku Af-gartay inay dib u billaabaan xiriirkooda, islamaraana ay dib u furaan safaaradahooda kadib heshiis ay udub dhexaad u aheed Dowladda China oo qabsoomay bishii Maarso.
Xariirka Riyaad iyo Dehraan ayaa si rasmi ah u go’ay 2016 kadib markii xarumaha diblomaasiyadeed ee Sacuudi Carabiya ay ku laheyd Iiraan ay weerareen dibad-baxayaal Iiraaniyiin ah oo ka careysanaa dil magaalada Riyaad loogu geeystay wadaad shiico ahaa oo la oran jiray Nimr Al-Nimr.
Danjiraha Iiraan ee Sacuudi Carabiya, Alireza Enayati, ayaa gaaray caasimadda Riyaad, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda iyo shaqaalaha safaaradda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iiraan ee IRNA.
Sidokale, Safaaradda Sacuudiga ee Dehraan ayaa dib u shaqo billowday bishii June ee sanadkan, waqtigaas oo dib u furista Safaarada Dowladda Iiraan ay u sameysay xaflad calan saar ah.