Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dagaal haddii la galo waa la kala bartaa dadka

caqiil by caqiil
September 6, 2023
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dagaal haddii la galo waa la kala bartaa dadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay xilliyada dagaalka in la kala barto dadka, gaar ahaan madaxda, saraakiisha iyo askarta.

“Runtii dagaal haddii la galo waa la kala bartaa dadka, madaxdaa la kala bartaa, saraakiishaa la kala bartaa, askartaa la kala bartaa, dhamaan dadka waa la bartaa, qof walbana doorka uu qaata maalinta ay adag tahay waa la bartaa, maalinta fiican ee ay nabaddu jirto nin kastaa waa fiican yahay”

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay xerada ciidanka XDS, Guutada Cali binu Abii daalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalka Khawaarijta wuxuuna kula dardaarmay ciidanku in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligii ay Ciidanka xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed dagaalka soo billaabeen sanad ka hor ay yarayd saadaasha guulaha la gaaray, iyadoo ay dalka ku sugan tahay AMISOM.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligaasi ay Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika aysan ku qanacsanayn dagaalka khawaarijta ka dhanka ah balse ay iminka ogaadeen in ay dhab ka tahay dowladda ciribtirka argagixisada.

“Ciidanka xoogga dalka asoo keligiis ah oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaad dagaalka soo billowdeen sanad ka hor, dad badan ayaa ku qoslaayay oo lahaa meel gaari maayaan, waanay soo noqonayaan”

Berigaas AMISOM annaga kumaanan qancin karin inaan nahay dad uu dagaalka dhab ka yahay oo waxay noo arkaayeen dad aanu dhab ka ahayn, laakiin maanta way fahmeen inuu dagaalku dhan naga yahay ama aan wax qabsan karno”.

 

Previous Post

Sacuudiga iyo Iiraan oo si rasmi ah dib ugu soo celiyay xiriirkoodii diblomaasiyadeed

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In