Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka Guud ee Golaha Shacabka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka Guud ee Golaha Shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad kulankiisa 24-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu ahaa warbixinta Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ee ku saabsan shirweynaha Isbedelka Cimilada Qaarada Afrika, iyo taageerada Musharraxnimadda Xildhibaan Marwa oo u tartameeysay Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamenty Union).

Related posts

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026

Xildhibaan Marwa oo u sharaxan xilka Baarlamaanka Adduunka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka hortooda ka jeedisay warbixinteeda musharaxnimo, taas oo Soomaaliya uga faaideysan karto arrimaha siyaasadda, horumarinta adeegyada dowladda, iyo go’aano masiiri u ah dalka. Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in garab istaageeda uu muhiim u yahay guud ahaan dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwaynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa codkiisa ku biiriyay in la taageero ol’ole xoog lehna loo galo Xil. Marwa Cabdi Bashiir, sidii ay ugu guuleysan laheyd xilka ugu sareeya ee Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka maanta uu yahay taageero kaliya, waxaana uu sheegay in Xildhibaanadda loo sameyn doona ol’ole qaran isla-markaana wuxuu tilmaamay in Baarlamaanada saaxib-ka la’ ah Soomaaliya laga codsan doono ineey na garab istaagaan.

Previous Post

Guddoomiye Ciise Guure oo kulan la qaatay Madaxda Guddiyada suuqyada Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In