Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khasaare weyn oo ka soo gaaray Khawaarijta daggaalkii saakay degmada Awdhegle ee Gobalka Shabeellaha hoose

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Somali National Army, International Partners conduct operation in Dumaye area
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khawaarijta Al-Shabab,ayaa khasaare ballaaran loogu geystey weerar gaadmo ah oo ay maanta ku soo qaadeen Degmada Awdhegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa si feejignaan leh waajibaadkooda u gutay , iyagoo halkaasi ku laayey in ka badan 60 xubnoood oo Khawaarijta ka tirsanaa.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Sida ay xaqiijiyeen shacabka degaanka, meydadka Khawaarijta ayaa daadsan waddooyinka, kadib markii si xun loogu jebiyay weerarka gaadmada ah oo ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka degaanka.

Khawaarijta ayaa dagaalka looga furtey hub iyo saanad badan oo milateri, si buuxdana looga hortagey inay shacabka iyo Ciidanka waxyeelo gaarsiiyaan.

Hawlgalkaan ay Ciidamada Qalabka Sida sida xun ugu jebiyeen cadowga argagixisada ah, ayaa muujinaya sida dowladda ay uga go’an tahay inay degdeg uga hawlgasho goob kasta oo ay ka iman karto khatar shacabka iyo ciidanka loo geysan karo, iyadoo la wada ogyahay in ciidanka qaranka ay gobollada dhexe ay guulo ballaaran ka soo hoyeen dhameystirka wejiga 1aad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an inay dalka ka ciribtirto Khawaarijta, waxayna mar kale cadowga xusuusineysaa in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay meel kasta iyo waqti kasta ugu baabac dhigaan cadowga oo is moodsiiyay inay u sahlan tahay inay ciidanka qaranka si gaadmo ah ugu waxyeeleeyaan Shabeellaha Hoose, maadaama dagaalka xooggiisa uu ka socdo Galmudug iyo HirShabeelle.

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo deeq Taakulo ah guddoon siiyay Madaxa taakuleenta CXDS 

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo daah furay nashqadaynta Kismaayada cusub ee mustaqbalka

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo daah furay nashqadaynta Kismaayada cusub ee mustaqbalka

Madaxweynaha Jubbaland oo daah furay nashqadaynta Kismaayada cusub ee mustaqbalka

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In