Friday, June 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo daah furay nashqadaynta Kismaayada cusub ee mustaqbalka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
September 10, 2023
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo daah furay nashqadaynta Kismaayada cusub ee mustaqbalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay nashqadaynta guud ee magaalada Kismaayo oo muddo badan hirgalinteeda laga shaqeynayey.

Munaasabaddan waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka labaad ee Dowladda Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda, mas’uuliyiinta Hay’adda dhulka Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ah.

Related posts

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025

Munaasabadan waxaa lagu sharraxay qaabka iyo nidaamka ay noqonayso Kismaayada cusub ee la rajeynayo in wixii hadda ka dambeeyo la hirgalinaayo taas oo u diyaarsan in ay ku noolaadaan dad gaaraya ilaa 5 Milyan iyo bar qof.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland,ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay hirgalinta Kismaayada cusub oo wax badan ka badalan tii hore, isagoo Hay’adaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha dhulka Jubbaland faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay shacabka uga dhimmaan qiimaha lagu sharciyeeyo dhulka. Sidoo kale wuxuu faray in ay muhiim tahay in dadka qurbaha ku maqan ee reer Jubbaland loo diyaariyo nidaam u sahlaya iibsashada dhulka, iyaga oo aan wado dheer oo dhib badan aan u marin.

Madaxweynaha, oo ka hadlayo Kismaayada cusub Ayaa yiri ” Ahmiyad gaar ah ayay Dowladdu u leedahay Kismaayada cusub,Waana in loo dhameeystiro adeegyadii ay u baahneeyd Magaalo si looga gudbo caqabadaha isku raranka ah ee ka jira magaalada Kismaayo”.

Ciidamada qeybahooda kale duwan ayuu uga digay Madaxweynaha Jubbaland ku milanka kiisaska dhulalka waxa uunna sheegay Madaxweynaha in talaabo waafaqsan sharciga la marsiin doono Ciidamada had iyo jeer ku dhaxjira arrimaha dhulalka.

Garsoorka iyo Maxkamadaha ayuu Madaxweynahu faray in aysan gali karin dacwadaha dhul aan soo marin hay’adaha ku shaqada leh.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, ayaa ka hadlay xaaladda uu dalka ku jiro iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ka digay in la Siyaasadeeyo dagaalka lagu xoraynayo dalka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa shacabka Jubbaland iyo guud ahaan siyaasiyiintaba ugu baaqay in ay door muuqda ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, garab-istaagna loo muujiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee hoggaaminaya howlgalka lagu ciribtirayo argagixisada.










 

Previous Post

Khasaare weyn oo ka soo gaaray Khawaarijta daggaalkii saakay degmada Awdhegle ee Gobalka Shabeellaha hoose

Next Post

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay deegaanno horleh oo hoostaga Degmada Runnirgood

Next Post
Ciidanka gaarka ah ee DANAB  oo Howlgalo ka sameeyey qeybo kamid ah Gobollada Jubbooyinka “SAWIRRO”

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay deegaanno horleh oo hoostaga Degmada Runnirgood

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025
0

Waxaa la soo gunaanaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda horay ugu dhawaaqay taasi oo muddo afar maalin ah...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

June 19, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In