Guddiga Gaarka ah ee Arrrimaha Xabsiga Dhexe Xamar ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la-yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, kulankan oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika).
Intii uu socday kulanka, Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa warbixin guud ka siiyay Guddiga, wuxuuna aad ugu dheeraaday waxyaabihii ay horay uga qabteen Xabsiga, isla markaana mudnaan gaar ah siin doonnaan Xaaladda Xabsiga, si la mid ah sida maamulka gobolka muhiimadda u siiyo Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ugu Dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Bashiir Cabdi Maxamed ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka qaabkii wanaagsaneyd ee uu uga waramay inta uu kala socdo xaaladda ka jirta Xabsiga, sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka rajeynayo in warbixin dhameystiran uu Guddiga kula soo laabto kadib marka uu booqdo Xarunta Xabsiga Dhexe ee Xamar