Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Jaabiri ayaa maanta ka qeybgalay xirirtaanka shirka xoghayayaasha Baarlamaannada Jaamacadda Carabta oo ka socday magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Waxaana Kulanka lagu meelmariyay Nidaamka asaasiga ah ee Jamciyadda iyo xisaab xirka Miisaaniyad sanandeedka 2022.
Shirka xoghayayaasha Baarlamaannada Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa la isla qaatay taageeridda musharaxnimada Xildhibaan Marwa Cabdibashir Xaaji oo kamida mudanayaasha Golaha Shaacabka ee BJFS.
Wafdiga shirka ayaa booqasho ku tagay Golaha Shuurada ee Dowladda Qatar, halkaas oo uu warbixin ku siiyay Xoghayaha guud ee Golaha Shuurada Qatar Dr. Axmed Fadaala.
Ugu dambeyn Xoghaya guud ee Golaha shacabka ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Qatar, waxayna isku afgarteen in Dowladda Qatar ay gacan ka geysaneyso barnaamijka tabarada Xildhibaannada iyo Shaqaalaha Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu xoghaye Jaabiri ku wareejiyay Barnaamijka oo Qoraal ah Xoghayaha Qatar.