Tuesday, June 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeer dhiirigelin ah ku tegay furimaha dagaalka ee Gobolka Sh/Dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 18, 2023
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeer dhiirigelin ah ku tegay furimaha dagaalka ee Gobolka Sh/Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta oo ah (Isniin 18, September 2023) gaaray deegaanada Nuur-dugle iyo Caddaan Laxey ee Gobolka Shabeelada dhexe, si uu udar-dargeliyo Howlgalka sifeynta Khawaarijta ee ka socda Bariga Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Duqa Muqdisho ayaa sii maray deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo uu ku dhiirageliyay Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee kaalinta ka qaatay in Khawaarijta lagu jibiyo Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Related posts

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025

Sidoo kale waxa uu booqday furimaha ay Gobolka Shabeellaha Dhexe ay kaga sugan yihiin Ciidamo ay hogaaminayaan Guddoomiyeyaal ka tirsan Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo iyagu qeyb ka ah Dagaalka dalka loogu sifeynaayo Khawaarijta. iskuna diyaarianaya in cadowga ay ka saaraan goobaha fara ku tiriska ah oo ay ku harsan yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca shacabka kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo dagaalka sifeynta ee lagu baac-sanaayo Khawaarijta, waxa uuna xusay in aysan jirin meel loogu haro Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee uu hogaaminayo Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarka dhiiragelinta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee uu Duqa Muqdisho ku gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay tusaale u tahay in qof waliba ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii uu ugu qeyb qaadan lahaa Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoona horey uu Maamulka Gobolka Banaadir taageero dhinac weliba leh uu la garab taagnaa CXD iyo kuwa Deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.



Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Midowga Yurub

Next Post

Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka oo inta badan Gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka oo inta badan Gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

June 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay horutabin Qaran.   Madaxweynaha JFS...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In