Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo si rasmi ah xubin uga noqotay kooxda ciribtirka cudurka cagaarshowga ee QM

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo si rasmi ah xubin uga noqotay kooxda ciribtirka cudurka cagaarshowga ee QM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa khudbad ka jeediyey shir duceed looga hadlayey dabar-goynta cudurka cagaarshowga iyo gaarista hiigsiga dhammaadka cudurkan oo la madliyey gebagebadiisa 2030-ka kaas oo lagu qabtay magaalada New york ee uu ka socdo shirka Golaha loo dhany ahay ee Qaramada Midoobey.

Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa yiri “Ciribtirka cagaarshowga Soomaaliya gaar ahaan meelaha dhowaan la xoreeyay ee ay kooxaha argagixisadu muddo tobanaan sano ah gacanta ku hayeen waxey ka mid tahay kaabayaasha daryeelka caafimaadka ee xadidan, waxaanse ku dadaaleynaa inaan tabarteena isugu geyna sidii aan u ciribtiri lahayn inagoo kaashaneyna hay’adaha caalamiga ah ee na taageera”.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegey in tobankii sano ee la soo dhaafay, daryeelka caafimaadka uu sameeyay horumar la taaban karo, oo ay ugu horreyso maalgashi la taaban karo oo ka yimid waaxyaha gaarka loo leeyahay iyo tabarucaadka deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

“Bishii Nofeembar 2022, Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay xafiis u gaar Ciribtirka Cagaarshowga iyo la tacaalidda dadka qaba xanuunka cagaarshowga si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan iyo sidii ugu dambeyntiina meesha looga saari lahaa cudurkan, taasoo qayb ka ah dadaallada imika socda, waxaan ku faraxsanahay inaan ku biirnay Kooxda Saaxiibada ee Qaramada Midoobay ee  Ciribtirka Cagaarshowga si loo baabi’iyo fayriska Cagaarshowga” ayuu Dr. Cali Xaaji Aadan wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

Previous Post

One year on, major strides have been made in the war against the Al-Shabaab 

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay shacabka ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Beladweyne

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay shacabka ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Beladweyne

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay shacabka ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Beladweyne

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddigan farsamo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika ee ay martigelisay Jaamacadda Yangzhou ayaa...

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In