Tuesday, June 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan lagu ansixinayo warbixinta heerka Qiimeynta Dalka oo ka furmay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Kulan lagu ansixinayo warbixinta heerka Qiimeynta Dalka oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdishu ku qabatay kulan lagu ansixinayo Warbixinta Heerka Qiimaynta ee Dalka oo ay soo diyaarisay waaxda, kaas oo ay ka soo qeybgaleen wakiilo ka kala socday Dawladda Faderaalka Soomaaliya, Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, Ururada Bulshada Rayidka ah, Qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka iyo hay’ado calami ah.

Ujeeddada warbixinta ayaa ah in la fahmo heerka qiimeynta dalka, gaar ahaan fursadaha, caqabadaha ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, in gorfeyn dhab ah lagu sameeyo qaab-dhismeedka Qiimeynta dalka, in la ogaado hay’adaha ka shaqeeya qiimeynta ee ka hawlgala dalka iyo in la qiimeeyo heerka ay hadda taagan tahay heerka Qiimeynta Qaranka.

Related posts

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026

Kulanka waxaa daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha, Mudane Maxamed Xasan Shire, waxaana goobjoog ahaa Agaasimaayasha Guud ee Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Aqoon-is-weydaarsiga oo socon doona muddo labo maalmood ah, waxa uu fursad siin doonaa in lagu soo bandhigo, lagana doodo natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay Warbixinta Heerka Qiimaynta ee Dalka iyo in laga bixiyo jawaab-celin ku saabsan warbixinta si loo hubiyo in warbixinta qiimayntu ay noqoto mid dhamaystiran, sax ah, oo ka tarjumaysa aragtiyada iyo fikradaha kala duwan ee dhinacyada ay khusayso.

Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud Saciid Nuur ayaa ku booriyay mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay kulanka in ay si wanaagsan uga doodaan warbxinta islamarkaana ay soo gurbiyaan fikradahooda si loo hubiyo in ay warbixintu noqoto mid dhameystiran.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Addis Ababa kaga qaybgalay shirka Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda Dalalka Gees Afrika

Next Post

Wasiirka Shaqada XFS oo Masar kaga qeyb galaya shirka horumarinta Shaqada

Next Post
Wasiirka Shaqada XFS oo Masar kaga qeyb galaya shirka horumarinta Shaqada

Wasiirka Shaqada XFS oo Masar kaga qeyb galaya shirka horumarinta Shaqada

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In