Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Addis Ababa kaga qaybgalay shirka Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda Dalalka Gees Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Addis Ababa kaga qaybgalay shirka Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda Dalalka Gees Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga qayb galay furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika, waxaana si buuxda uga soo qayb galay Wasiirada Maaliyadda dalalka Soomaaliya, Djibouti, Kenya, South Sudan, Uganda iyo Ethiopia.

Shirkan ayaa si qota dheer loogu lafa guray horumarada ay dalalkani ka gaareen arrimaha Maaliyadda iyo horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, iyagoo si buuxa isula qaatay fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaarka ah ee bulshooyinka ku dhaqan dalalka ku kulma shirkan.

Related posts

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo markii kowaad ka qeybgalaya shirkan ayaa si diiraan loo soo dhaweeyey, wuxuuna jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlay mudnaanta  ay Dawladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgalinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda dalka Ethiopia Mudane Axmed Shide oo ah Guddoomiyaha Sanadkan ee shirka iyo dhamaan Wasiirada Maaliyadda dalalka ka qayb galay shirkan ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku boogadiyay heerka wanaagsan ee ay ka gaartay hannaanka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF, Wasiir Biixi ayaa sidoo kale caddeeyey in Soomaaliya ay sii xoojinayso iskaashiga arrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha ee ay la leedahay dalalka Geeska Africa.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan oo kaashanaya dhamaan madaxda iyo hawl-wadeenada Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa muuqata inuu dedaal xoogan ugu jiro tayaynta iyo turxaan bixinta arrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha Qaranka, sidoo kale wuxuu saaxiibada Soomaaliya ku adkeeyey inay laba jibbaaraan garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, wuxuuna caddeeyey Wasiirku in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhankeeda sii xoojiynayso iskaashiga ay la leedahay caalamka intiisa kale.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo

Next Post

Kulan lagu ansixinayo warbixinta heerka Qiimeynta Dalka oo ka furmay Muqdisho

Next Post
Kulan lagu ansixinayo warbixinta heerka Qiimeynta Dalka oo ka furmay Muqdisho

Kulan lagu ansixinayo warbixinta heerka Qiimeynta Dalka oo ka furmay Muqdisho

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, xarunta...

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In