Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan qoyska, ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xasan Yuusuf (Maad Laamey).
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa xusay in marxuumka uu ahaa ganacsade kaalin muhiim ah ka soo qaatay horumarinta ganacsiga dalka, taakuleynta danyarta, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Waxaana uu Allah uga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed na uu samir iyo iimaan Allah ka siiyo.