Wasiirka wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdsiho ayaa faah faahin ka bixiyey guullaha Dowladdu ka gaartay dagaalka dib loogu xoraynayo deegaanada ay hore ugu dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed kooxaha khawaarijtu,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishii June sanadkii 2022 waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay dagaalka ciribtirka Khawaarijta kaas oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka.
Madaxweynaha ayaa xilligaas dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal saddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo,Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir,Ciidamada qalabka sida hay’addaha dowladda, shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaas si isku mid ah u soo dhaweeyay waxa ayna muujiyeen kaalintooda dagaalka.
Shacabka Soomaaliyeed waxa aad xog ogaal u tihiin dhibaatada ay Khawaarijtu ku haysay dadkeenna iyo dalkeenna sanad iyo saddax bil ka hor.
Gummaadka, baadda iyo cagajugleynta iyo falalka ka fog diinta ee khawaarijtu ay ku heysay shacabka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen kuwo diinta iyo damiirkuba aysan ogolayn.
Dagaalka Dhaqaalaha. (Jihada dhaqaalaha)
Khawaarijtu waxa ay Bulshada dhexdeeda ka sameyn jireen dakhli uruurin isku dhafan oo u ahayd lacago sharci darro ah iyo Lacago baad ah oo ay ka qaadi jireen ganacsatada, qiyaas ahaan lacagaha ay qaadi jireen waxa ay u dhaxeysay 100M – 150 Million, lacagtaas boqolkiiba 50% waxay kasoo geli jirtay Caasimadda Muqdishu.
Si loo curyaamiyo dhaqaalaha Khawaarijta, dowladda Soomaaliya waxa ay diyaarisay istiraatijiyad lagu curyaaminaayo dhaqaalaha maaliyadeed ee Khawaarijta, kaas oo udub dhaxaad u ahaa in uu guuleysto qorshaha la dagaalanka Maalgelinta Khawaarijta.
Haddaba dagaalka dhaqaalaha waxa uu ka mid ahaa saddaxda jiho ee Khawaarijta laga beegsaday, bilihii ugu horreeyay ee dagaalka, June ilaa September 2022, dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka waxa ay ku guuleysatay burburinta fariisimihii Khawaarijta ee duleedka Muqdisho ee isugu jiray, maxkamad beenaadyo, xabsiyo dadka lagu cabsi galin jiray, goobo lacagta baadda ah ay ku uruurin jireen iyo fariisimo ay ku dhuumanayeen maleeshiyaadkooda.
Waxaa intaas dheereed in sirdoonka Soomaaliya uu soo afjaray Shabakado badan oo ay Khawaarijtu dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaas oo isu ekeysiinayay, nootaayooyin, shirkado ganacsi, dalaaliin, iyo xubno shaqadoodu ahayd in ay xogta ganacsi la wadaagaan khawaarihta.
Dekadda Muqdisho waxa ay ahayd meelaha ay Khawaarijta oo isticmaaleysa kooxaha aan soo sheegnay ay isku dayeen in ay soo marsiistaan waxyaabaha ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed laakiin Sirdoonka Soomaaliya ee habeen iyo maalin u taagan in uu ka hortago shirqoollada Khawaarijta ayaa helay xogta Alaabaha ku socday Khawaarijta ka hor inta aysan soo gaarin Soomaali, waxaana dowladdu ku guuleystay in la qabto alaabta iyo shabakaddii ka shaqeyneysay fududeynteeda.
Ilaa seddax shirkadood oo dabagalka lagu ogaaday ayaa shaqooyinkoodii ku waayay kiiskaas, kooxaha Khawaarijta ayaana ka quustay isku day kasta oo ay ku doonayeen in ay kaga dhuuntaan indhaha ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Bilo gudaheed Khawaarijtu waxa ay weysay lacagtii faraha badneed ee ay qasabka uga qaadi jireen shacabka Soomaaliyeed kaddib markii dhammaan shacab iyo ganacsato ay u hoggaansameen amarka dowadda.
Xanuunka khawaarijta gaaray intaas kuma ekaanin ee waxa ay dowladdu xirtay 350 Akoon Bangi, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaas oo dhammaantood Khawaarijtu dhexmarsiisan jirtay lacagaha baadda ah.
Tirade guud ee lacagaha lagu Xayiray (Koontada bangiyada, Koontooyinka ganacsiga (Merchants) iyo Telefoon-nada gacanta waxa ay gaareysaa, hal milyan shan boqol tobban iyo sagaal kun, shan boqol toddobaatan iyo shan doolar iyo konton iyo shan sint ($1,519,575.55).
Dagaalka Tooska ah:
Dagaalka tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad lahayn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaas oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka.
Dhul ka badan In ka badan Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaas dheer in ka badan 120 isugu jira deegaanno iyo degmooyin ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta.
Degmooyinka iyo deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta waxaa ka mid ah oo aan tusaale u soo qaadan karnaa hadii gobal gobal aan u dul istaagno:-
Gobolka Hiiraan waxaa la xoreeyay 25 deegaano iyo magaalooyin isugu jira,Shabeellaha Dhexe waxaa la xoreeyay 21 deegaano iyo magaalooyin isugu jira, Galgaduud waxaa laga xoreeyay 20 deegaano iyo magaalooyin isugu jira, Mudug waxaa laga xoreeyay 25 deegaano iyo magaalooyin isugu jira, Shabellaha Hoose waxaa laga xoreeyay 10 deegaano iyo magaalooyin isugu jira, Jubbaland waxaa laga xoreeyay 20 deegaano iyo magaalooyin isugu jira.
Hawlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad jirsaday waxaa sidoo kale lagu dilay kun iyo todobo boqol oo Maleeshiyaad ah (1,700) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa kuwaas oo ka mdi ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57). Waxaa lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaas.
Waxaa laga yaabaa dadkeenu inay is waydiiyaan maxaa loo arki waayay Geerida Khawaarijta soo gaarta. Laakiin taasi waxaa jawaab u ah hal hayska dadkeena ee ah Geeridu waxay ku roontahay Geel jire iyo qof aadan aqoon oo loola jeedo Geeridu ku xanuujisa inay tahay mida kuu dhow iyo qofka aad garanayso.
Khawaarijtu waxay soo dagaal galiyaan caruur iyo dad ay qaldeen oo ayaga iyo waalidiintooda ay kala jareen ama aanan wax xiriir ah la hayn, waxaana taas ka sii daran markii la laayo dadkaas ay soo qaldeen waxay geeridooda ka qariyaan dadkooda si xanuunkooda aanan loo arkin.
Dowladda Somalia waxay bogaadinaysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee hadda ubadkooda kala soo cararay meelaha yar ee ku harsanyihiin kuwaasi oo arkay sida arxan darada ah ee dabka loogu shubay dadkoodii hadana aanan dan laga lahayn geeridooda iyo noloshooda.
Dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed waxay ka warhaayaan deegaanada ay khawaarijtu Xabaad wadareedyada ay ka sameeyeen, waliba ayaga oo aanan asturin dadkii laga laayay inay xaabalaha qaar boqol boqol ugu shubeen sidii qashinkii.
Amniga Caasimadda.
Dadweynaha Soomaaliyeed waxa ay si weyn ula socdaan sida uu amniga magaalada Muqdisho uu ahaa sanad ka hor iyo horumar laga sameeyay. Haddaba dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelineysa shacaba Caasimadda ku nool oo wada shaqeyn u muujiyay ciidanka amniga iskana diiday in uu ku dhex dhuunto garan-waa’ taas oo natiijadeedii ay ka muuqato caasimadda oo amnigeedu si weyn u hagaagay.
Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad siineysa badqabka muwaadinka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado meel kasta oo ay gabbaad ka raadiso.
Dagaalka Fikirka.
Qaybta fikirka, waxaa markii ugu horaysay culumada isku raaceen halka ah kooxdu uga jirto diinta waxaana culumadu fatwootay in kooxdu tahay Khawaarij rasmi ah taas oo wax wayn ka badashay wacyiga dadkeenna ee ku aadan Khawaarijta
Warbaahintu waa tiirka ugu muhiimsan ee dagaalka fikirka, dowladda Soomaaliya oo la dirireysa fikirka Khawaarijnimada ah waxa ay sanadkan gudihiis xirtay 8029 sideed kun labaatan iyo sagaal barood facebook oo isugu jiray pages and profiles kuwaas oo Khawaarijtu isticmaali jirtay faafinta wararka been abuurka.
Aaladda Telegram waxaa hawada laga saaro 3517 channels oo ay sidoo kale faafintooda u isticmaali jireen Khawaarijtu.
Sidoo kale waxa ay Dowladdu xirtay 2921 TikTok oo lagu faafin jiray Farimaha Khawaarijta.
21 Youtube oo ay Khawaarijtu ku faafin jireen Muqaalo dacaayado ah ayaa sidoo kale la xiray.
Khawaarijta waxaa sidoo kale laga xiray 12 Websites oo ay ku baahin jireen wararka been abuurka ah iyo 4 afar Idaacadood oo ku hadla Afka Kooxda Khawaarijta.
Sanadka ay dowladdu waddo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta waxa uu ahaa, Sanad khawaarijta la dilay, la dhaawacay, la qabtay, la cunaqabateeyay iyada oo inta soo hartayna lagu daba jiro firxadkooda.
Ugu danbayntii
Dowladda Somalia waxay ugu baaqaysaa maleeshiyaadka la qalday ee lagu xasuuqayo dadkooda inay isku soo dhiibaan dowladda, horjoogayaasha Khawaarijta waxaan leenahay waxaa la joogaa dhammaadkii, Ummadda soomaaliyeed ma sii gumaadi doontaan ee inta goori goortahay ka soo laabta ficiladaan qaldan.
Shacabka Muqdisho, sida Madaxweynuhu horay u sheegay iska ilaaliya Garanwaaga qof kasta oo kuu dhow ama aad la macaamilayso iska hubi, qofkii aad garan waydo ceeb ma ahan la wadaag hay’adaha ammaanka.
Ammaanka iyo Nabad Galyada waa mas’uuliyadda wadareed waxaa loo baahanyahay ciidamada ammaanka iyo qof kasta oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga wada qayb qaato.