Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bankiga Ziraat Katilm ee dalka Turkiga oo laan ka furtay Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Bankiga Ziraat Katilm ee dalka Turkiga oo laan ka furtay Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabatay Munaasabad lagu daah-furayay Bangigii ugu horeeyay ee laga leeyahay dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Turkiga oo lagu magacaabo Ziraat Katilim, Waxaana kasoo qeyb-galay furitaanka Bangiga mas’uuliyiin katirsan dowaldda madax ka socotay Bangiyada dalka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya xildhibaan Jabriil Abdirashiid Xaaji oo kamid ah madaxda ka qeybgashay xaflada ayaa yiri ” Bankigaan wuxuu fududeen doonaa xariirka ganacsi ee aan la leenahay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga”

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo kamid ahaa mas’uuliyiinta ka qeybgalay xaflada daah-furka, ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in Bangigii ugu horreeyay ee dalka dibadiisa laga leeyahay uu xarun ka furto magaalada Muqdisho.

”Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xariga ka jarno xarunta Bangiga caalamiga kaas oo noqonaya midkii ugu horeeyey ee laan ka furta Soomaaliya”ayuu yri Wasiir Biixi Imaan Cige.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Bangiga dhexe, ayaa isna lagu yiri “Bankiga dhexe ee Soomaaliya waxaa farxad u ah in uu dadweynaha iyo ganacsatada Soomaaliyeedba la wadaago in maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Oktoobar 2023, si rasmi ah loo daah-furay Bangiga Ziraat Katilim, laantiisa Soomaaliya.

Furitaanka Bankigan cusub waxay qeyb ka noqon doontaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka aan wax kala iibsiga leenahay sida Jamhuuriyadda Turkiga.

Ugu dambeyn Bankiga dhexe ayaa sheegay inay Soomaaliya ka go’an tahay dib u habeynta , kobcinta iyo ilaalinta xasiloonida hannaanka maaliyadda ee dalka.

Previous Post

Kulan loogu ducaynayay Shuhadadii Soobe 2aad oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho 

Next Post

Saraakiil dhiirigelin ugu tegay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan  Gobalka Bakool

Next Post
Saraakiil dhiirigelin ugu tegay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan  Gobalka Bakool

Saraakiil dhiirigelin ugu tegay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan  Gobalka Bakool

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee...

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In