Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo madax ka tirsan SoDMA ayaa kulan kula qaatay xarunta dhexe ee hay’adda, madaxa WFP Soomaaliya Mudane El-Khidir Daloum.
Labada hay’adood ayaa ka wada hadlay adkeynta wada shaqeynta SoDMA iyo WFP, arimaha maareynya xaaladda xilli roobaadka El-Niño oo Hay’adda SoDMA qayb wayn ka gaysatay wacyigalinta iyo digniinta hore, gargaarka degdegga ah iyo qaabka ka hortaga aafooyinka.
Guddoomiye Maxamuud ayaa aad ugu mahadceliyay hay’adda WFP dadaalka aan hagarta lahayn ee 30 kii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka wadday Iyo wada shaqeeynta wanaagsan ee kala dhaxeeysa Hay’adda SoDMA.