Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Galmudug, Marxuum Maxamed Axmed Caalin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuum Caalin muwaaddin si daacadnimo leh ugu soo adeegay dalka iyo dadka, oo si gaar ah ugu suntunaa doorkii uu ku lahaa nabadeynta iyo hirgelinta hannaanka federaalka dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Allaah Subxaanuhu Wa Tacaalaa uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo Janadii Fardowsa, Samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabada, reer Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.