Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabadda daah furka Mashruuca Damal Caafimaad oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Munaasabadda daah furka Mashruuca Damal Caafimaad oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa daah furtay adeeg bixinta mashruuca Damal Caafimaad oo ka fuli doona Gobolada Baay iyo Bakool ee Dowladda Gobaladka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay isla markaana si wadajir ah u daahfuray Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DKGS Mudane Maxamed Cusmaan Xaaji Cabdi.

Related posts

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026
Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

February 15, 2026

Waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay qaar ka mid ah La taliyayaash Madaxweynaha, Golaha Wasiirada iyo xildhibaanada DKGS, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Gobaladka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidamada Xooga iyo Taliyaha sector 3 ee ATMIS, qaar ka mid maamulada degmooyinka iyo gobolada Dowladda Gobaladka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka shaqeeya bixinta adeegyada Caafimaadka, bahda saxaafada iyo fanaaniinta iyo marti sharaf kale.

Mashruucan ayaa loogu talagaley in looga faa’iideeyo bulshada Koonfuur Galbeed si ay u helaan adeeg Caafimaad oo tayo leh oo lacag la’aan ah qeybna ka ah xoojinta adeeg bixinta ku saleysan xirmooyinka Caafimaadka Aas-aasiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka mudane Maxamed Cusmaan Xaaji Cabdi oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan ay lee dahay Dowladda Soomaaliya ayna ka wada shaqeynayaan fulinta mashruucan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Gobaladka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ay taabagelinayso bangiga aduunka sidoo kale bixinta mashruucan ay ku guuleysatay Hay’adda Caalamiga ee ACF.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Gobaladka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dheeraaday muhiimada mashruucan u lee yahay bulshada iyadoo hore loo qorsheeyay wajiga 1aad in uu ka fulo mashruucan 5 Gobol oo ka mid ah Gobolada Soomaaliya halka Dowladda Koonfur Galbeed ay ku guuleysatay helida 2 Gobol (Bay iyo Bakool) sidoo kalena wajiga 2aad la rajeynayo in Gobolka Shabeelaha Hoose lagu soo daro si loo xoojiyo adeeg bixinta caafimaadka.

Previous Post

Minister of Interior inaugurates Enumerator of Conflict Mapping in Banadir region

Next Post

Kulan loogu diryaar garoobayo ka qeybgalka shirka Isbadalka Cimallada oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Kulan loogu diryaar garoobayo ka qeybgalka shirka Isbadalka Cimallada oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan loogu diryaar garoobayo ka qeybgalka shirka Isbadalka Cimallada oo Muqdisho lagu qabtay

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026
0

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis...

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

February 15, 2026
0

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika...

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

February 15, 2026
0

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo Xeydar Muqtaar Afgarashadiisu tahay iyo...

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsan Cimilada Cagaaran

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsan Cimilada Cagaaran

February 15, 2026
0

Waxaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo ku saabsan Cimilada Cagaaran iyo Isdhaafsiga aqoonta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In