Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi  ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen.

2- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer uu ugu kuurgelayo habsami u socodka hawlaha qaranka ku tegay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, si uu ugu kuurgalo habsami u socodka howlaha ay qaranka u hayaan.

Related posts

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

February 20, 2026
Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

February 20, 2026

3- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño ee dalka oo ilaa iyo haatan ay ilaa 10 qof ku dhinteen.

4- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan looga hadlayo sida wax looga qabanayo daadadka ka jira dalka la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

5- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi oo ku saabsan qaab-dhismeedka amniga Qaranka, gaar ahaan ahaan qeybta Booliska.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga xukuumadda ee shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee COP-28, oo ka dhici doona dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

7- Wabiga Jubba ayaa ku fatahay qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan gobolka Gedo sida Doolow, Baardheere, Luuq iyo Buurdhuubo.

8- Roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Baydhabo  ayaa sababay barakac ballaaran.

9-  Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqday in gargaarkii ugu horreeyay ay u dirayso gobolka Gedo oo roobabka iyo fatahaadaha ay saameyn xoog leh ku yeesheen.

10- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-Simaha Danjiraha Norway u fadhiya Soomaaliya Carsten Carlesen, kaas oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

11-  Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka oo hawlgal amni ka fuliyay degaano ka tirsan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

12- Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21-aad oo gacan ka helaya dadka deegaanka iyo daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 km u jira deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug.

13-  Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsuggida Qaranka ee NISA oo gacanta ku soo dhigtay 28 xubnood oo 25 ka mid ah ay doonayeen in ay ku biiraan Khawaarijta Al Shabab.

14-  Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, ayaa ka daahfurtay magaalada Muqdisho aqoon isweydaarsi la xiriira hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee hoggaanka sare ee hay’adaha cadaaladda iyo garsoorka Soomaaliya.

15- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa dalka Rwanda kaga qeyb galay Shirka Madaxeedka Golaha Dalxiiska Adduunka WTTC

16- Wasiiru Dowlaha Amniga ee Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa furay kulan wadatashi oo ku saabsan xeer nidaamiyayaasha hey’adda socdaalka oo Muqdisho ka dhacay.

17- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta  Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku daah furtay Kulanka Dhamaystirka Hannaanka Dhab-u-Heshiinta Qaran.

18- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada War-wiin War-dhato Ceelahaley iyo Moorigaabey ee Gobolka Bakool.

19- Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 105 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Midowga Jamhuuriyadda Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay.

20- Guddiga tartanka adeegga xajka ayaa soo saarey Shuruudaha tartanka Adeega Xajka ee sannadka soo socda.

21- Ciidamada Qalabka Sida ayaa fashiliyey naftii halige isku soo xiray qarax kaas oo doonayay inuu isku qarxiyo goob makhaayad ah oo dad shacab ah ay ku sugnaayeen Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir.

22- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno kala duwan ku riday Sheegow Ahmed Cali iyo maleeshiyaad uu watey.



Previous Post

Shirka qaab dhismeedka Booliska oo galay maalintii Labaad

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

February 20, 2026
0

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran  iyo kuwa barakacayaasha ah ee...

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

February 20, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo ka hadlay xaflad loo sameeyay...

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

February 20, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In