Ururka Xisbullah ayaa weerar duqeymahay ku qaadday degaanka Dovev ee waqooyiga Israa’iil, kaasi oo ay ku nafwayeen Shaqaale ka tirsan Shirkadda Korontada ee Israa’iil (IEC).
Nooc ka mid ah Gantaalada lidka taangiyada ayaa sida la sheegay ku dhacay koox shaqaalaha Shirkadda Korontada Israa’iil, kuwa oo k howlanaa dayactiraan xarkaha korantada ee ku waxyeelloobay duqeymahii horay u dhex maray Ururka Xisbullah iyo Ciidamada Isra’iil.
Kooxda Xisbullah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar loo adeegsaday gantaalada lidka taangiyada ee waqooyiga Israa’iil, iyagoo intaa ku daray in sidokale ay weerarka la beegsadeen koox ka tirsan saadka militariga Isra’iil oo halkaasi ka sameynayay taawarro isgaarsiineed.