Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Barayaasha Soomaaliyeed ugu hamblayeeyey munaasabadda 21 Nofeembar oo ah Maalinta Macalinka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Macalimiinta Soomaaliyeed ay u soo dhabar adaygeen xaalado adag oo ay ku badbaadiyeen jiilal dhan oo iyaga la’aantood maanta aan waxba baran lahayn.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siinayso tayeynta Macalimiinta iyo Aqoonta Ubadka Soomaaliyeed, sidaa awgeed billawgii Xukuumadda DanQaran ay qaadatay saddex kun oo macalimiin cusub ah, kuwaasi oo ka hawlgala guud ahaan gobodallada dalka, iyadoo sannadka cusub ee 2024ka ay diyaarisay miisaaniyadda saddex kun oo macalin oo kale.