Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxay tahay muhiimadda Soomaaliya ugu jirto kursiga ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Maxay tahay muhiimadda Soomaaliya ugu jirto kursiga ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee urur gobaleedka IGAD Mudane Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan xilka loo magacaabey ayaa warbaahinta Qaranka u faahfaahiyey muhiimada kursiga loo magacaabey iyo sidey Soomaaliya ugu suura gashey madaxda ugu sareysa IGAD in ay ka mid noqoto.

Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in booskaan Soomaaliya ay u tahay boos muhiim ah, isaga oo carabka ku dhuftay xilka loo magacaabay in ay markii ugu horreysay qof Soomaali ah uu jagadaas qabto.

Mr Waare oo ka hadlay sida magacaabistiisa ku timid ayaa yiri, “Kursigaan looma tartamin, shirkii IGAD ee lagu qabtay Jabuuti bishii June ayaa lagu go’aansaday in kursigaas Soomaaliya la siiyo, maadaama Soomaaliya ay ahayd waddadamii lagu aasaasay ururka weli aysan ka qaban kursigaas, marka waa laysla gartay, todobada madaxweyne ee markaas joogay ayaa isla gartay.”

Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalin ka hor loo magacaabay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee urur gobaleedka IGAD ayaa xusay in xilkaan Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay, isaga oo sheegay in ay ka soo dhalaali doonta kaalinteeda.

Wasiir dowlihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cabdullaahi Qaloocow oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa bogaadiyey sida dowladda Soomaaliya ay la soo laabatay jagooyinkii muhiimka ahaa ee ka maqnaa.

“Waan ku boggaadineynaa Dowlada iney lasoo laabato jagooyinkii muhiimka ahaa ee kaga maqnaa ururada iskaashigu nagala dhexeeyo,Mudane Waarana waa nin waayo arag ah oo horey ulasoo shaqeeyey Hay’addo waaweyn,” sida uu yiri Wasiir Qaloocow.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeedin uu u sameeyey madaxda dalalka ururka gobaleedka IGAD in Mr Maxamed Cabdi Waare loo magacaabo booska Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee urur gobaleedka IGAD.

Previous Post

Wabiga ku fatahay degmada Jalalaqsi oo xaalad go’doon ah geliyay (Warbixin).

Next Post

Agaasimaha Guud Warfaafinta oo tababar u furay ku dhawaad 40 wariyaal ah

Next Post
Agaasimaha Guud Warfaafinta oo tababar u furay ku dhawaad 40 wariyaal ah

Agaasimaha Guud Warfaafinta oo tababar u furay ku dhawaad 40 wariyaal ah

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In