Sunday, November 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Baaralamanka JFS oo ahaa ka doodista fatahaadaha ka dhacay dalka “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baaralamanka JFS oo ahaa ka doodista fatahaadaha ka dhacay dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiisa 4-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay labadiisa ku-xigeen, waxaana uu ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodidda xalaadda fatahaadaha ka jirta dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyadoo Kulankii qabsoomay 29 November 2023, lagu go’aamiyay in loo yeero Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, si ay uga warbixiyaan xaaladaha fatahaadaha ka jira dalka gudihiisa.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

November 9, 2025

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Hawlgallo Ku Dilay Horjoogeyaal Khawaarijta Ka Tirsan

November 9, 2025

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su’aalo weeydiiyay Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, ayaa xildhibaannadu waxay soo jeediyeen, in gobolada qaarkood xal loo raadiyo, kuwaas oo weli ay ka taagan tahay xaalado adag.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Sadad Mohamed Nuur Caliyow iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xildhibaanada uga jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyay, waxaana ay sharaxaad ka bixiyeen shaqada Hay’adda iyo gargaarka ay wado, waxaana ay sheegeen in doomo la geeyay gobollada inta badan fatahado ba’an ay ka geeysteen roobabkii ka da’ay gobollada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka kulanka soo gabagabeeyay, ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka u sheegay in Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka lagu wareejiyay si ay u soo qulaaseeyaan su’aalihii ay weeydiiyeen Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo hay’adda SODMA isla-markaana Golaha kula soo labtaan jawaabta Xildhibaannada.














Previous Post

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Labo nin oo ka tirsanaa Daacish 

Next Post

Military Court Sentences Two IS militants to Eight Years in Prison

Next Post
Military Court Sentences Two IS militants to Eight Years in Prison

Military Court Sentences Two IS militants to Eight Years in Prison

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed kasoo saartay, Dilalka iyo Beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka...

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Hawlgallo Ku Dilay Horjoogeyaal Khawaarijta Ka Tirsan

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal qorsheysan ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta. Horjoogahan oo...

Wasiirka Warfaafinta  XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RIYAD):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga,...

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa kulan su’aalo–weydiin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In