Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Baaralamanka JFS oo ahaa ka doodista fatahaadaha ka dhacay dalka “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baaralamanka JFS oo ahaa ka doodista fatahaadaha ka dhacay dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiisa 4-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay labadiisa ku-xigeen, waxaana uu ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodidda xalaadda fatahaadaha ka jirta dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyadoo Kulankii qabsoomay 29 November 2023, lagu go’aamiyay in loo yeero Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, si ay uga warbixiyaan xaaladaha fatahaadaha ka jira dalka gudihiisa.

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su’aalo weeydiiyay Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, ayaa xildhibaannadu waxay soo jeediyeen, in gobolada qaarkood xal loo raadiyo, kuwaas oo weli ay ka taagan tahay xaalado adag.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Sadad Mohamed Nuur Caliyow iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xildhibaanada uga jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyay, waxaana ay sharaxaad ka bixiyeen shaqada Hay’adda iyo gargaarka ay wado, waxaana ay sheegeen in doomo la geeyay gobollada inta badan fatahado ba’an ay ka geeysteen roobabkii ka da’ay gobollada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka kulanka soo gabagabeeyay, ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka u sheegay in Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka lagu wareejiyay si ay u soo qulaaseeyaan su’aalihii ay weeydiiyeen Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo hay’adda SODMA isla-markaana Golaha kula soo labtaan jawaabta Xildhibaannada.

Previous Post

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Labo nin oo ka tirsanaa Daacish 

Next Post

Military Court Sentences Two IS militants to Eight Years in Prison

Next Post
Military Court Sentences Two IS militants to Eight Years in Prison

Military Court Sentences Two IS militants to Eight Years in Prison

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In