Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Eng: Maxamed Cabdi Cilmi ayaa furay kal-fadhiga 8-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo, waxaa lagu dhageystay furitaanka Kal-fadhiga Warbixinta Duqa Degmada ee waxqabadka Maamulka Degmada ee Sedexdii bil ee lasoo dhaafay ee uu kal-fadhigu xirnaa iyo guulaha maamulku ku talaabsaday.
Xildhibaannada Golaha Deegaanka ayaa Duqa Degmada iyo Guddoomiye Ku-xigeenka su’aalo ka waydiiyay hawlaha qabsoomay intii u dhaxaysay labada kal-fadhi ee 7-aad iyo 8-aad iyagoo soo jeediyay talooyin cusub oo lagu horumarin karo Degmada Gaalkacyo.
Ugu dambayn waxay Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ansixiyeen ajendayaasha looga doodi doono inta uu socdo Kal-fadhiga 8-aad ee Golaha Deegaanka Gaalkacyo.