Wargeyska Jerusalem Post ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay xaqiijiyeen dilka Afar ka mid Sarakiishii hoggaanka u hayay dagaalka ka socda marinka Qaza, kuwaa oo ku geeriyooday dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay xaafadaha kala duwan eee Qaza.
Wargeyska ayaa intaa ku daray in Sarakiisha la dilay ay ku jireen sedax sargaal oo gaashaanleyaal ah, kuwaa oo ay ka mid ahayeen taliyahiin guutada 8219-aad, ahaana Injineer ku taqasusay cilad bixinta Qoryaha waaweeyn, sidokale dagaal galiyahii qeybta 36-aad ee ciidamada Isra’iil ayaa ku dhintay dagaal dhacay bilowgii Todobaadkan.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qaza, ciidamada Israa’iil waxay qirteen in laga dilay 182 isugu jira Sarakiil iyo Askar.