Saturday, August 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan la qaatay Taliyaha hoggaanka Baarista dambiyada ee CID

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan la qaatay Taliyaha hoggaanka Baarista dambiyada ee CID
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ku qaabilay Taliyaha hoggaanka Baarista dambiyada ee CID Gaashaanle dhexe Muxudiin Axmed Cismaan oo howlo shaqo u jooga Kenya,

Kulanka uu Safiirka la qaatay Taliye Muxudiin waxaa goobjoog ka ahaa diblomaasiyiinta Safaaradda oo ay ugu horeeyaan Qunsulka Safaaradda, Xoghayaha labaad ee Safaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dalka Kenya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

August 29, 2026
Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Taliyaha hoggaanka Baarista dambiyada ee CID Gaashaanle dhexe Muxudiin Axmed Cismaan oo kulan mira dhal ah wada qaatay ayaa waxa ay isla garteen in xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi laga furo xafiis laga qaato warqadaha dambi la’aanta ah ee uu Hoggaanka Baarista Dembiyada bixiyo, si loola dagaallamo Dadka Dukumiintiyada been abuurka u sameeyo Muwaadiininta Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya, si loola socdo Dadka Dembiiliyaasha ah iyo in adeegyada kala duwan ee Hoggaanka  CID-da bixiyo loogu soo dhaweeyo Shacabka Soomaaliayeed ee ku dhaqan Dalkan.

Ugu dambeyn Taliye Muxudiin Axmed Cusmaan ayaa waxa uu soo kormeeray Xafiisyada ay Safaaradda ku shaqeyso, gaar ahaan  Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda,  halkaas oo ay ku sugnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo adeeg u soo doontay xarunta Safaaradda si uu arko howlaha baaxadda leh ee ay qabato Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo deeq daawo ah gaarsiisay deegaanka Janaale “SAWIRRO”

Next Post

R/W Ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan lagu difaacayay Madaxbanaanida Soomaaliya

Next Post
R/W Ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan lagu difaacayay Madaxbanaanida Soomaaliya

R/W Ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan lagu difaacayay Madaxbanaanida Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Abdulfatah Kasim Mohamud ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray...

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In