Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo xaflad soo dhaweyn ah loo sameeyey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Safiiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo xaflad soo dhaweyn ah loo sameeyey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna soo dhaweynayay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Kenya, mas’uuliyiin hore iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.

Xaaji Cabdi Madoobe Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Ganacsatada Islii oo ku hadlayay magaca guddiga ayaa xusay inay soo dhaweynayaan Safiirka, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026

Xildhibaan Hodan Cismaan oo laga soo doorto Minnesota, Xildhibaan Yuusuf Xasan iyo Xildhibaan Aadan Keynaan oo ka mid ah Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Safiirka uu ku soo beegmay waqtigii ugu haboonaa, ayna ku kalsoonyihiin inuu xoojin doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa si wada jir ah u xusay inay la shaqeynayaan Safiirka

Prof Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul Wasaarihii hore, Danire Salaad Cali Jeele Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Mudane Saadaad Caliyow ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in la xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle oo xafladda soo dhaweynta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loo furi lahaa xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Danjire Jabriil mar uu ka hadlayay howlaha Safaaradda iyo adeegyada ay bulshada u qabaneyso ayaa tibaaxay in wax badan lagu soo kordhin doono howlaha Safaaradda.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa daboolka ka qaaday in guddiga ganacsatada Islii ay kala shaqeyn doonaan hanaanka qurba joogta  Soomaaliyeed ay u maalgashan lahaayeen dalka Kenya.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjireyaasha Dalalka Hindiya, Czech, Japan iyo Jaamacadda Carabta

Next Post

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay Wakiilka UNCHR ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay Wakiilka UNCHR ee Soomaaliya

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay Wakiilka UNCHR ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdullaahi Maxamed Daahir oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In