Maamulka iyo Ardayda dugsiga Sare ee Mudug ayaa taageeray hadalkii Madaxweynaha dalka mudane Prof Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ahaa in haddii itoobiya ay hal talaabo u soo qaado dhulka iyo Badda Soomaaliya ay kaga jawaabi doonto talaabooyin ka culus kana badan midda ay soo qaadeen
Dhinaca kalana la taliyaha Madaxweynaha Qaranka ee dhanka arimaha Bulshada Xaliimo Cali Culusoow ayaa Gaari Bas ah ku wareejisay Maamulka Dugsiga Sare ee Mudug ee Magaalada Gaalkacyo, kaasoo looga jawaabayay fariin codsi ah oo ay bishii September u dhiibeen gabdhaha wax ka barta dugsiga Sare ee Mudug ayna ka gaarsiisay Madaxweynaha dalka mudane Prof Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kalana la taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Arrimaha bulshada ayaa bogaadisay sida ardaydu ay u muujiyeen dareenkooda wadaninimo
Dhamaan Ardayda maamulka iyo Macalimiinta Mudug Sare ayaa ka mahadceliyay garab istaaga ardayda.