Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo daah furay diwaan galinta Xogta Tallaalka 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo daah furay diwaan galinta Xogta Tallaalka 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa daah furey Munaasabadda Hanaanka casriga ah ee diiwaan gelinta xogta Tallaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ka soo qeygaley Agaasimaha guud ee Wassaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaali Dr. Guuleed Cabdijaliil, xubno ka socdey Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ku simaha Hey’adda Caafimaadka adduunka(WHO), Dr. Sandani iyo xubno kale, koox farsamo oo ka socotay HISP Tazania, Save the Children, IRC, Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, Khuburo Caafimaad, iyo marti Sharaf kale.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Barnaamijkaan, ayaa ah mid muhiim u ah xogta Caafimaadka dalkeena iyo Tallaalka Ubadka, waxa uuna sahli doonaa in xogta Tallaalka loo helo si fudud oo tixraac leh, iyadoo la marayo hanaanka Istaraatiijiyadda loo qorsheeyey barnaamijkan cajiibka ah, waxa uuna qeyb ka yahay hiigsiga horumarinta Caafimaadka guud ee dalkeena si loo gaaro yoolka fog ee ku aadan casriyeynta Caafimaadka Soomaaliya.

Munaasabadda, ayaa lagu soo bandhigey daraasado laga sameeyey muhiimadda uu lee yahay Hanaankan casriga ah ee diiwaan gelinta xogta Tallaalka iyo faa’idooyinka uu si gaar ah ugu lee yahay bulshadeena, maadaama hanaanku yahay mid lagu kalsoonaan karo dhinaca ururinta xogta iyo meelaha sida gaarka ah loogu baahida qabo taasoo soo afjareysa xog hubanti la’aan ah iyo in la kala garan waayo Caruurta Tallaalka qaadatey iyo kuwa aan qaadan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay xoogga saaraysaa islamarkaana ka go’an in dalkeenu gaaro isku filnaasho dhinaca Caafimaadka ah iyo sidii dhammaan dadka ka shaqeeya qeybta Caafimaadka Soomaaliya ay u heli la haayeen khibrad dheeri ah si ay u daboolaan baahiyaha Caafimaad ee dalkeena ka jirta.

Previous Post

Taliyaha CXDS oo kormeer Shaqo ku tagay Xerada tababarka Ciidamada ee Turkisom

Next Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo kulan la qaatay Maareeyaha Wakaaladda dhismaha Soomaaliyeed

Next Post
Wasiirka Arrimaha gudaha oo kulan la qaatay Maareeyaha Wakaaladda dhismaha Soomaaliyeed

Wasiirka Arrimaha gudaha oo kulan la qaatay Maareeyaha Wakaaladda dhismaha Soomaaliyeed

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In