Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu yiri “Qof naftii halige ahaa ayaa isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayada AlHindi oo ku taala degmada Xamarweyne xilli ay eryanayeen ciidamada ammaanka”
Booliska ayaa sheegay inay ku dhinteen seddex ruux halka ay ku dhaawacmayn laba qof oo goobta ka agdhawaa.
Ugu dembayn warka qoraalka ayaa lagu sheegay in goobta ay wax ka dhacayn uu ka socdo baaritaan dhawaana la bixin doono faah faahin dhammeystiran.