Monday, May 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliiyadda XFS oo daah-furay Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliiyadda XFS oo daah-furay Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad si heer sare ay u soo agaasintay Waaxda Maasiyadda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, Xildhibaano mas’uuliyiinta Hay’adaha Dowladda, Runta Ganacsiga, Bangiyada gaarka loo leeyahay culimo iyo qeybaha bulshada ayaa lagu soo bandhigay Miisaaniyadda dowladda ee 2024

Agaasimaha Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda Axmed Cabdi Aadam ( Iraadi) oo soo dhoweeyay ka qeyb galayaasha ayaa si kooban u sharxay Miisaaniyadda dowladda ee 2024.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026

Sheekh Cali Maxamuud ( Sheekh Cali Wajiis ) Prof Ciise Maxamuud Xalane agaasime ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Axmed Nuur Cabdi oo ku hadlay Afka Bangiyadda gaarka ah ayaa bogaadiyay horumarka dowladda ee Miisaaniyadda oo ka badan 1 Bilyan iyo koror dakhliga dowladda oo sanadkii tagay kordhay 25%

Dr Cali Yaasiin Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in horumarka Maaliyadda ku yimid dib u habeynta iyo wadashaqaynta hay’adaha Maaliyadda Qaranka oo ay udub dhexaad u tahay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo daah furay Miisaaniyadda dowladda oo ah Hal Bilyan iyo 79 milyan oo doolar ayaa dul istaagay horumaraada la taaban karo sida guusha Dayn Cafinta ee la gaaray, kororka Miisaaniyadda iyo dakhliga  dowladda.

Wasiir Biixi ayaa tilmaamay Iinkastoo dowladdu  horumaro waa weyn ka gaartay haddane ay soo kordheen caqabada Dibadda oo ay ka mid tahay faragalinta iyo damaca qaawan ee dowladda Itoobiya ku doonayso badderna oo ay tahay in wadajir looga hortago.

Previous Post

Saddex ruux oo ku geeriyootay naftii halige isku qarxiyay goob lagu shaahiyeeyo

Next Post

Garsoore Cumar Cartan oo caawa dhex-dhexaadin doona kulan ka tirsan Qaramada Afrika

Next Post
Garsoore Cumar Cartan oo caawa dhex-dhexaadin doona kulan ka tirsan Qaramada Afrika

Garsoore Cumar Cartan oo caawa dhex-dhexaadin doona kulan ka tirsan Qaramada Afrika

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In