Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Safriirka Dowladda Norway ee Soomaaliya Gunnar Andreas Holm.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay iskaashiga arimaha horumarka gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha, hormarinta wax soo saarka, xasilinta iyo tayaynta hay’adaha Dowladda.
Kulanka waxaa Madaxweynaha Jubbaland ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.