Monday, July 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Xamsa oo qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan dhanka taageerada howlgallada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
R/W Xamsa oo qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan dhanka taageerada howlgallada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka taageerada howlgallada Mr. Atul Khare oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada ay Q.M. siiso Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, siyaasadda iyo xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

NISA oo Muqdisho keentay laba eedeysane oo lagu qabtay Hub sharci-darro ah

NISA oo Muqdisho keentay laba eedeysane oo lagu qabtay Hub sharci-darro ah

July 6, 2026
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’adda TICA ee Dalka Thailand

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’adda TICA ee Dalka Thailand

July 6, 2026

Labada masuul ayaa isla soo qaaday sidii Q.M. u xoojin lahayd qorshaha lagu xaqiijinayo in ciidanka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadaha amniga dhammaadka sanadkan 2024.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ka guddoomay shahaado sharaf uu ku mutaystay ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida dalka, ayaa uga mahadceliyey Q.M. taageeradooda ku aaddan madaxbannaanida,  gobonnimada iyo midnimada Soomaaliya.

Previous Post

DFS oo beesha caalamka uga mahadcelisay garab istaagga kadib tallaabadii Ethiopia ay ku faragelisay Qaranimada Soomaaliya

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Qatar

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Qatar

NISA oo Muqdisho keentay laba eedeysane oo lagu qabtay Hub sharci-darro ah

NISA oo Muqdisho keentay laba eedeysane oo lagu qabtay Hub sharci-darro ah

July 6, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa maanta magaalada Muqdisho keenay laba eedeysane oo kala ah Cabdi Maxamed...

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’adda TICA ee Dalka Thailand

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’adda TICA ee Dalka Thailand

July 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo booqasho ku jooga dalka Thailand, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tagay caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee KGS

Madaxweynaha JFS oo tagay caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee KGS

July 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo oo shir guddoomiyay kulan lagu xoojinayo amniga KGS 

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo oo shir guddoomiyay kulan lagu xoojinayo amniga KGS 

July 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay xoojinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In