Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa kulan la qaatay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda.
Kulanka ayaa Waaxdu ku soo bandhigtay warbixin guud oo ku saabsan shaqooyinkii u qabsoomey sanadkii 2023-ka iyo sidoo kale qorshe hawleedka waaxda ee 2024-ka kaasoo waafaqsan qorshe hawleedka shanta sano ee wasaaradda.