Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Hay’adda UNFPA ee Soomaliya Mudane Niyi Ojuolape .
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa ka dalbaday UNFPA in ay labo jibaaraan taageeradda Hay’adda SoDMA siinayaaan , lana dedejiyo diyaarinta qorshe howleedka ay ku wada shaqaynayaan labada Hay’adood Sanadka 2024 , iyada oo lagu salaynayo istaraatiijiyadda 5ta sano oo ay hay’dda leedahay kaa soo la daahfuray dabayaaqadii December 2023.
Sidoo kale waxa ay isla garteen in la xoojiyo wadashaqaynta u dhexeysa labada dhinac , loogana wada shaqayn la haa taakulaynta iyo ugurmashada dadka tabaalaysan ee soomaliyeed.
Gudoomiyaha Hay’adda maareynta ayaa ka mahaceliyey garab istaaga Hay’adda UNFPA soo garab istaagtay Hay’adda Xilli ay Hay’adda cusbayd una baahnayd hiilo iyo garab istaag Mug leh, si gaar waxa uu uga mahadcelyay taageeridda Hay’adda UNFPA ka taageertay Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada – CHF oo laf dhabar u noqday sare u qaadita xiriirka u dhexeeya Hay’adda SoDMA iyo Hay’addaha caalamiga iyo kuwa wadaniga ah ee ka shaqeeaya dalka Soomaliya.
Dhanka kale waxaa isna ka mahadcelyaya soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay Madaxa Hay’adda UNFPA oo muujiyay daahfurnaanta iyo wada shaqaynta hufan oo ka dhexaysa labada Hay’adood, hoostane ka xariiqay in ay ku qanacsanyihhin sida ay Hay’adda SoDMA ula shaqaysay, ugana qayb qaadatay ka jawabista arrimaha Beni’aadannimada iyo gurmashada dadka tabaalaysan