Monday, December 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ” inta aan Congers-ka joogo Badda Soomaaliya cid kale ma qaadan karto”.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanad Ilhaan Cumar ” inta aan Congers-ka joogo Badda Soomaaliya cid kale ma qaadan karto”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca gurracay  Itoobiya ee Badda Cas, iyada oo sheegtay in xilligaan Biyaha Soomaaliya aan la iska qaadan Karin.

Ilhaan Cumar oo ka hadashay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegatay in aysan.suuragal ahayan badda Soomaaliya ay dad kale qaataan

“ Intaa aan anniga Congress-ka joogo Badda Soomaaliya dad kale ma qaadanayaan”Ilhaan Cumar

Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka uusan taageereeniin uu dal kale dhaco Soomaaliya, “Waddanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale in ay annaga na dhacaan, marka taas ka seexda.”

xildhibaan Ilhaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u maqan tahay iyada wakiil u ah, “Gabadhii aad Congress-ka u dirsateen way idinka warheysaa, sida idinka u dareemaysiin dantaas ayey u dareemaysaa.”

Dhanka kale Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Madaxdweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadisay go’anka addag ee dowladda iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu baraarujiyeen in ay sid wadajir ah ugu kacaan difaac qarannimada soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa aan leenahay waan kuugu faraxsannahay, shaqada fiican ee aad qabatay, in dadka Soomaaliyeed aad dareensiisay si kasta aan annaga u dhibannahay Soomaali haddii aan nahay, waxa aan nahay dad karti leh dad waddankooda aqoonsan, dad waligood dalkooda khatar laga galin Karin.”

Ugu dambeen Ilhaan Cumar ayaa shacabka Soomaaliyeed ku ammaantay sidii ay uga falceliyeen damaca gurraca ee dowladda Itoobiya,iyadoo ugu baaqaday in ay u midoobaan oo ay garab istagaan dowladooda

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo daah-furay shirka 6-aad ee Garsoorka dalka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay mashaariic la xiriira Waxbarashada iyo Caafimaadka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay mashaariic la xiriira Waxbarashada iyo Caafimaadka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay mashaariic la xiriira Waxbarashada iyo Caafimaadka

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In