Waxaa xalay xarunta Wasaaradda Warfaafunta lagu qabtay kulan dood ah oo looga hadlayay sida u qabsoomay Ciyaarihii kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Kulan waxaa ka qeybgalay masuuliyiin katirsan dowladda iyo bulshada qeybaheeda kala,kuwaa oo is dhaafsada hormarada iyo caqabadihii jiray inta uu tartanka socday.
Guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta Cali Shiino ayaa dhankiisa sheegay in tartanka uu si nabad ah kusoo dhammaaday ay suurta galisay wadashaqeynta kala dhaxeysay xiriirka iyo wasaaradda ciyaaraha
โHaddii aysan wadashaqeyn xiriirka iyo Wasaaradda tartanku nabad kuma soo dhamaadeenโ.Cali Shiine
Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in dowlada ay daโdaal badan ku bixisay sidii ay si nabad ah ugu qabsoomi lahayd Ciyaaraha,waxii Caqabad jirana la saxi doono tartamada xiga.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale, ooka qeybgalay dooda ayaa yiri โWariyaasha ciyaaraha tabiya waa loo tababaraa, waxaan jecelnahay in aan tababar siino wariyaasha ciyaarahaโ.
Sidoo kale waxaa dooda goobjoog ahaa qaar kamid ah guddoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Banaadir oo ka hadlay dhankooda caqabadihii jiray inta uu tartanka socday iyo xalkooda.











