Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax kabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax kabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa maanta ka furmay kulan Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo looga doodaya ansixinta wax ka badalka iyo dhammeystirka Dastuurka KMG oo muddo dhowr iyo toban sano ah qabyo ahaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ummadda Soomaaliyeed waxbadan sugayeen, isagoo Xildhibaannada ugu baaqay inay ilaaliyaan waqtiga inta lagu guda jira arintan aadka muhiimka u ah.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

โ€ Waxay umadda Soomaaliyeed naga sugeysay ayaa na horyaalo, arin masiiri ah ayaa laga hadlayaa, Guddiga dib u eegista Dastuurka waxaa laga rabaa inay Golaha si fiican uga dhaadhiciyaan howsha iyo muhiimadeedaโ€. Ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe oo furay kulanka labada aqal.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka BJFS Xildhibaan Xuseen Iidow oo labada gole la hadlay ayaa u gudbiyay soo jeedimaha wax ka badalka cutubyada 1-aad, 2-aad,3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka KMG iyo warbaahin si faahfaahineyso soo jeedintaas ku xusan cutubyadaas, kaas oo uu soo diyaariyey guddiga madaxda banaan ee Dastuurka KMG ah.

โ€ 63 sano ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay ee Baarlamaan Soomaaaliyeed la hor keeno Dastuurka oo xilligaas ku qornaa Talyaani, halka maanta uu ku qoran yahay afkeena hooyoโ€. Ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka BJFS Xildhibaan Xuseen Iidow .

Labada gole ayaa loo qeybiyay nuqulka soo jeedimaha wax ka badalka Dastuurka,ย  iyadoo goluhu warbixin ka dhageystay guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee labada gole, waxaana toos u bilowday dooddiisu Dastuurka KMG.

Cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayaa kiisa 1aad dooddiisu ay soco doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.Cutubka 2-aaad ayaa isna dooddiisu soco doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3-aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha. Cutubka ugu dambeeya ee 4aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda.

Kulanka labada gole oo ka duwan marka loo eego kulamadiisa hore marka laga eego ajandaha la xiriira Dastuurka oo shacabka Soomaaliyeed indha ku hayaan ayaa waxaa soo xaadirtay 170 Aqalka hoose ah iyo 28 oo Aqalka sare ah.

Dastuurka KMG oo cod kacan taag ah ku ansixiyeen 621 ergo sanadkii 2012-kii ayaa ilaa intaas ku soo socday KMG waxaana la sheegaa inuu yahay kan ugu waqtiga dheer uu dhaqaale badan ku baxay, waxaana lagu tilmaamay tani inay tahay guul wayn oo lagu soo afjarayo Dastuurka KMG in uu noqdo mid rasmi ah, iyadoo shacabka Soomaaliyeed bogaadiyey dadaallada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Dastuurka.

Previous Post

Xildhibaanada labada Gole ee BFS oo ka doodayo ansixinta wax ka badalka Dastuurka KMG

Next Post

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo kulan is xogwareysi la qaatay Maamulka Gobalka Mudug

Next Post
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo kulan  is xogwareysi la qaatay Maamulka Gobalka Mudug

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo kulan is xogwareysi la qaatay Maamulka Gobalka Mudug

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

September 9, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In