Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo xalay booqday Safaraadda Dawladda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho, ayaa kulan tacsi ah la qaatay Amb. Axmed Jumca Al-Rumeysi.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa Danjiraha Dalka Imaaraadka uga tacsiyadeeyay saraakiishii ku geeriyootay weerarkii argagixisanimo ee Xerada Gen. Gordan kuwaas oo dalkeenna u joogay in ay gacan ka geystaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka-sida.
Guddoomiye Sheekh Aaden Madoobe ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay garab istaagooda walaalnimo.