Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa Maanta Dhagaxdhigay Xarunta Taliska Ciidanka Dhulka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ka hadlay Munaasabadda Dhagax dhigga ayaa sheegay in tani ay qeyb weyn ka qaadan doonto daboolidda baahiyaha ciidnka.
Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in muhiimadda dhismaha xarunta Taliska ciidanka dhulka uu u leeyahay muhiimad gaar ah, isagoo xusay in si isxilqaan ah loo dhisayo xaruntan.