Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray waddo muhiim ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray waddo muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Xoosh ilaa Ex Kontorool Afgooye, taas oo sii marta saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay horumarka ay ku tallaabsatay caasimaddu in aan la xaqiijiyeen haddii aan amniga wax laga qaban, isaga oo xusay in horumarka iyo amnigu ay yihiin labo isku xiran oo haddii mid la waayo kan kalana uu meesha ka baxayo.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adaha amniga sida ay uga go’an tahay nadiifinta magaalada, si dib loogu soo celiyo bilicdii iyo amnigii ay ku suntanayd Caasimaddu.

“Nabaddu waa tilmaanta quruxda iyo bilicda, marka meel kasta laami la saaro, waxaa kor u kaca nabadda, dhaqaalaha iyo bilicda, dhismaha Jidadku waxa ay muwaadinka u sahlayaan isu socodka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in canshuurta ay bixiyaan si loogu hormariyo dib u dhaska dalka, isagoo faray dadka deggan xarumaha danta guud ah in ay banneeyaan, si bulshada loogu adeego, dibna loogu dhiso.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Dhagaxdhigay xarunta Taliska Ciidanka Dhulka

Next Post

Wasiiru-dowlaha Amniga oo tababar u soo xiray ciidamo cusub “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru-dowlaha Amniga oo tababar u soo xiray ciidamo cusub “SAWIRRO”

Wasiiru-dowlaha Amniga oo tababar u soo xiray ciidamo cusub "SAWIRRO"

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In