Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlwadeeno ka socday Mashruuca Talaalka COVID-19 oo kormeeray Isbitaalka Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Howlwadeeno ka socday Mashruuca Talaalka  COVID-19 oo kormeeray Isbitaalka Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howl wadeenada ayaa gaarey Magaalada Baydhabo taariikhda markay aheyd 11, Maarso 2024, waxayna socdaal ku mareen dhammaan qeybaha Caafimaadka ee loogu talagaley in uu ka fulo Mashruuca Tallaalka COVID-19 taasoo qeyb ah xaqiijinta adeegii loogu talagaley bulsho waynta Soomaaliyeed.

Ugu horrayn howl wadeenada ayaa gaarey xarunta Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed halkaas oo ay kula kulmeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Cali Duge, waxayna agaasimaha ka wada hadleen howlaha Mashruuca, caqabada jira ee la xiriira Tallaalka iyo guulaha laga gaarey ilaadda howlihii Mashruuca ee loogu talagaley Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Gobolka Baay.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

Dhinaca kale howl wadeenada waxay socdaalkooda inta uu socdey gaareen xarunta Isbitaalka wayn ee Gobolka Baay, waxayna Isbitaalka kula kulmeen maamulka iyo howl wadeenada sida gaarka ah ugu shaqeynayey qeybaha loogu talagaley Mashruuca Tallaalka COVID-19 iyagoo booqdey goobihii la geeyey qalabkii laga iibiyey Koontada Mashruuca sida qaboojiyaasha Tallaalka, agabka kala duwan ee loo isticmaalo Ololaha Tallaalka iyo sidoo kale dhismayaasha xarumaha qaar oo iyaguna qeyb ka ahaa horumarinta Caafimaadka.

U kuurgallidda howlaha Mashruuca ee Baydhabo intii uu socday waxay howl wadeenadu gaareen Xarunta Isbitaalka Degmada oo isaguna ay ka socdeen howlo baaxad leh waxayna kulan la qaateen Maamulka Isbitaalka Degmada, iyagoo sidoo kale booqday goobaha lagu keydiyo Tallaalka iyo meelaha ay yaaleen qaboojiyaasha Tallaalka si loo hubiyo adeegyada lagu qabto iyo sida ay u shaqeeyaan.

Xarumaha fududeeya bixinta Caafimaadka ayaa si lamid ah indha indheyn lagu sameeyey qeybaha Tallaalka sida qaabka ay u wajahaan Ololaha Tallaalka iyo meelaha la dhigey qaboojiyaasha Tallaalka iyagoo maamulka iyo shaqaalaha xarumahaasi ka dhageysaneyey warbixino ku saabsan bartilmaameedka howl wadeenadu u socdeen, caqabadaha heysta iyo sida ay uga faa’ideysteen Mashruuca.

Mashruuca Tallaalka COVID-19 waxaa howlihiisa qeyb ka ah in ballaarim lagu sameeyo xarumaha Caafimaadka sida in lasoo kordhiyo dhismooyin loogu adeego bulsho waynta Soomaaliyeed gaar ahaan Gobolada uu ka shaqeynayo iyo in la helo warshadaha lagu gubo qashinka dawooyinka oo hadii aan xal loo helin dhalin kara dhibaato kale dhanka Caafimaadka ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashadabaahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

 

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas danyar ah

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In