Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay wajiga 2-aad ee adeegga 5G, oo ay Shirkadda Hormuud ka hirgelisay Caasimadda iyo Gobollada Dalka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay horumarka dhanka ganacsiga ah ee uu dalku ku talaabsanayo.
Adeeggaan isgaarsiineed ee 5G ayaa ah mid faa’iido weyn u leh horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Isgaarsiinta.