Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cabdixakiin Axmed oo lagu oofiyey qisaasta Wariye Bulxan oo horay uu ugu diley Caabudwaaq

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Cabdixakiin Axmed oo lagu oofiyey qisaasta Wariye Bulxan oo horay uu ugu diley Caabudwaaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa maanta dil toogasho ah lagu filiyey Cabdixakiin Axmed Cigaal oo laga oofiyay qisaasta Allaha u naxariistee Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan oo horay uu  u diley, kaas oo ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka.

Dilka Wariyaha ayaa waxaa ka hadlay badi madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah Bulshada, iyaga oo codsaday in tiirka la horgeeyo Eedaysanaha, si uu caddaaladda u helo, waxaana ugu dambeyn lagu fuliyya xukunka dil toogashada ah oo ah qisaastii marxuum Cabdikariin Bulxan.

Related posts

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026

Toogashada lagu oofiyey Cabdixakiin Axmed Cigaal waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay isugu jiraan Aqoonyahaanno iyo waxgaradka.

Cabdullaahi Saciid oo ka mid ah Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed, oo ka hadlay dhacdadaan ayaa ku tilmaamay in Caabudwaaq ay cagta saartay jidkii nolosha iyo xasiloonida, xilli uu xusay in muddooyinkii dambe ay bulshada ay doorbiday maxkamadaha taas oo sahashay in la helo caddaaladda.

Mar uu ka hadlayey arintaan waxa uu yiri, “Ilaa sadex nin oo midkastaa si geesinimo leh u qirtay inuu dil bareer ah gaystey ayaa lagu wada xukumey dil toogasho ah oo ah qisaasta dadkii ay dileen. Waxaa la yaab leh in ay ayagu codsadeen in laga oofiyo dhiiga ay galeen!

Allah ha u naxariisto kuwii hore ay u dileen iyo kuwa xadka laga oofiyey dhammaantood. Meeshaas waxaa ka baxay culaysyo badan oo ka yimaada marka dilalka noocaan ah dhacaan.

Dambiilaha in la qabto waxa ay dan u tahay naftiisa, waxa ay dan u tahay ehelka qofkii uu diley, waxa ay dan u tahay ehelkiisa oo aan awood u lahayn xoolaha magta ee dhowr boqol la gaarsiiyey sanadihii dambe, waxa ay kaloo dan guud u tahay bulshada oo dhan.

Sanadahaan waxaad mooddaa in xukunka maxkamadaha dadku doorbidayaan kana daaleen odayaashii ula dheeraa ee caddaalada ka fogaa. Dilka jooji haddii aadan joojinayn is dhiib ha lagu dilee.”

Previous Post

Baaralamanka labadiisa Aqal oo loo qeybiyay wax ka badalka Dastuurka Cutubka 1aad ilaa 4aad

Next Post

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhiirri gelineyso tacbashada iyo manaafacaadsiga Timirta.   War...

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In