Thursday, August 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cabdixakiin Axmed oo lagu oofiyey qisaasta Wariye Bulxan oo horay uu ugu diley Caabudwaaq

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 28, 2024
in Wararka
0
Cabdixakiin Axmed oo lagu oofiyey qisaasta Wariye Bulxan oo horay uu ugu diley Caabudwaaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa maanta dil toogasho ah lagu filiyey Cabdixakiin Axmed Cigaal oo laga oofiyay qisaasta Allaha u naxariistee Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan oo horay uu  u diley, kaas oo ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka.

Dilka Wariyaha ayaa waxaa ka hadlay badi madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah Bulshada, iyaga oo codsaday in tiirka la horgeeyo Eedaysanaha, si uu caddaaladda u helo, waxaana ugu dambeyn lagu fuliyya xukunka dil toogashada ah oo ah qisaastii marxuum Cabdikariin Bulxan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

August 6, 2025
Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025

Toogashada lagu oofiyey Cabdixakiin Axmed Cigaal waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay isugu jiraan Aqoonyahaanno iyo waxgaradka.

Cabdullaahi Saciid oo ka mid ah Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed, oo ka hadlay dhacdadaan ayaa ku tilmaamay in Caabudwaaq ay cagta saartay jidkii nolosha iyo xasiloonida, xilli uu xusay in muddooyinkii dambe ay bulshada ay doorbiday maxkamadaha taas oo sahashay in la helo caddaaladda.

Mar uu ka hadlayey arintaan waxa uu yiri, “Ilaa sadex nin oo midkastaa si geesinimo leh u qirtay inuu dil bareer ah gaystey ayaa lagu wada xukumey dil toogasho ah oo ah qisaasta dadkii ay dileen. Waxaa la yaab leh in ay ayagu codsadeen in laga oofiyo dhiiga ay galeen!

Allah ha u naxariisto kuwii hore ay u dileen iyo kuwa xadka laga oofiyey dhammaantood. Meeshaas waxaa ka baxay culaysyo badan oo ka yimaada marka dilalka noocaan ah dhacaan.

Dambiilaha in la qabto waxa ay dan u tahay naftiisa, waxa ay dan u tahay ehelka qofkii uu diley, waxa ay dan u tahay ehelkiisa oo aan awood u lahayn xoolaha magta ee dhowr boqol la gaarsiiyey sanadihii dambe, waxa ay kaloo dan guud u tahay bulshada oo dhan.

Sanadahaan waxaad mooddaa in xukunka maxkamadaha dadku doorbidayaan kana daaleen odayaashii ula dheeraa ee caddaalada ka fogaa. Dilka jooji haddii aadan joojinayn is dhiib ha lagu dilee.”

Previous Post

Baaralamanka labadiisa Aqal oo loo qeybiyay wax ka badalka Dastuurka Cutubka 1aad ilaa 4aad

Next Post

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

August 6, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo Lataliyaha Amniga...

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025
0

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo...

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

August 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Cali Saciid Fiqi, ayaa magaalada Baydhabo oo ah xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In