Thursday, July 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Xarardheere oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 30, 2024
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Xarardheere oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 7-aad ku tartamay Degmooyinka Heliwaa iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Mudug, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Heliwaa iyo Xarardheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

July 30, 2025

Heliwaa

Tartameyaasha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Heliwaa ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Xarardheere

Tartamayaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal oo kaliya, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xarardheere waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 23-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 21-aad ee tartanka isla markaana ah kulanka ugu dambeeya ee wareegga Labaad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Baraawe iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Sanaag.





Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

Previous Post

Kulan loogu duceynayay Marxuum Cabdi Cismaan Xareed oo lagu qabtay xarunta Aqalka Sare

Next Post

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo kulan Afur-wadareed ah u sameeyey Diblomaasiyiin kala duwan

Next Post
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo kulan Afur-wadareed ah u sameeyey Diblomaasiyiin kala duwan

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo kulan Afur-wadareed ah u sameeyey Diblomaasiyiin kala duwan

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
0

Shirweynihii maalmahaan ka socday magaalada Laascaanood ayaa caawa lagu ansixiyey in magaca maamulka cusub ee gobollada Sool iyo Sanaag laga...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

July 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Jabuuti, ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

July 30, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

July 30, 2025
0

Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In