Friday, August 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii Hore, Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Taliyihii hore ee Hay’adda Mudane Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay’adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka Khawaarijta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno”.ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranku ay u leedahay qorshaha xoreynta dalka, waxa uuna sheegay in ay horseed u ahayd deegaannada laga xoreeyey gacanta argagixisada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyada Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo qaab casri ah loo dhisay.

Previous Post

Ciidamo horleh oo lagu soo kordhiyay adkaynta Amniga Caasimadda “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeyey dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Fidriga

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeyey dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Fidriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeyey dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Fidriga

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In